Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 2aad

Toddoba nin

Inta aadan akhrin ka hor
b. Fiiri cinwaanka sheekadan. Maxaad u malaynaysaa in ay sheekadani ku saabsan tahay?
t. Ma sheeko run ah baa mise waa mid khiyaali ah?

Hadda akhri sheekadan fiirina haddii fikradahaagu ay sax yihiin.

Toddoba nin ayaa maalin is raacay. Markii ay wax badan socdeen ayey istaageen. Mid ka mid ah ayaa yiri "Bal ina tiriya ma dhan nahay?"

Nimanku waxa ay ogaayeen in ay toddoba ahaayeen markii ay magaalada ka soo tageen. Nin waliba mar ayuu tiriyey, laakiin tirin waliba waxa ay ka dhigtay lix. Waxa ay la yaabeen sida ay toddoba nin u noqon waayeen. Waxa ay ogaadeen in uusan qofna maqnayn, laakiin qof waliba ee tiriya waxa uu illoobayey naftiisa.

Iyaga oo la yaaban ninka maqan ayaa oday u yimid, waxana ay waydiisteen in uu tiriyo. Odaygii baa u sheegay in ay toddoba nin yihiin. Nimankii waa ay rumaysan waayeen odaygii.

Odaygii waxa uu kaxeeyey nimankii, waxana uu geeyey meel ciiddeedu ay qoyan tahay. Dabadeedna waxa uu ku yiri, "Beerka u jiifsada oo sanka ciidda ku taaga. San waliba waxa uu samaysan doonaa god. Markaas tiriya godadka soo baxa."

Nimankii sidii odaygu uu u sheegay ayey yeeleen. Sidaas awgeed nin walibana waxa uu arkay in ay toddoba yihiin.

Halkaas ayey socodkii ka bilaabeen iyaga oo faraxsan oo sanka dhoobo ku leh.

Ka jawaaba su'aalahan.
1. Nimankii maxaa ay ugu maleeyeen in nin ka dhumay?
2. Kee baad u malaynaysaa in uu caqli badnaa toddobadii nin ama duqii?
3. Maxaa uu duqu ugu sheegi waayey in toddobadii nin ay sanka ku lahaayeen dhoobo?

Xiriiriyeyaal.
Fiiri weerooyinkan sheekada.

Nin waliba mar ayuu tiriyey, laakiin tirin waliba waxa ay ka dhigtay lix.

Waxa ay ogaadeen in uusan qofna maqnayn, laakiin qof waliba ee tiriya waxa uu iloobayey naftiisa.

Laakiin waa xiriiriye, waxa ay isku xirtaa labo weero.

Weerooyinkan soo socda iskula xir laakiin.
1. Duqii waxa uu u sheegay in ay toddoba yihiin. Nimankii waa ay rumaysan waayeen.
2. Nimankii socodkoodii ayey bilaabeen. Waxaa ay illoobeen in ay nadiifiyaan sankoodii.
3. Duqii dhoobo ayuu ku arkay nimankii sankoodii. Waxna ma uusan u sheegin.

Qor sheeko.
Sheekada toddoba nin waa sheeko dhaqameed Soomaaliyeed. Ma taqaan sheeko dhaqameedyo kale ee Soomaaliyeed? Qor sheekadaa.

Sifaynta dadka.
Sheekada, ninkii duqa ahaa waxa uu caawiyey toddobadii nin.

Duq waa tilmaan. Waxaan isticmaali karnaa tilmaamo aan dadka ku sifayno.

Waxa aan sifayn karnaa sida ay dadku u egyihiin.

Mid ka dooro ardayda fasalkaaga. U sifee ardaygaas saaxiibbadaa adiga oo aan sheegin magaciisa. Ma malayn karaan saaxiibbadaa qofka la sifaynayo?

Sidoo kale tilmaamaha waxa aan u isticmaali karnaa in aan ku sifayno qof dabeecaddiisa. Tusaale ahaan, toddobada nin waxa ay ahaayeen nacasyo. Ninkii duqa ahaana waxa uu ahaa caaqil. Nacas iyo caaqil waa tilmaamo.

Ma ka fakeri kartaa saddex tilmaamood oo aad ku sifayn kartid saaxiibka kuugu wanaagsan?

Ka qor qoraal aad ku sifayneysid saaxiibka kuugu wannagsan. Sheeg sida uu u eg yahay iyo dabeecadihiisa sida ay yihiin.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

aw -ga syfte, motiv
sidaas awgeed på så sätt, därför, därmed, därigenom, av den anledningen, i det syftet
ciid -da jord, sand
cinwaan -ka rubrik, titel
dabeecad -da uppförande, karaktär
dhaqan -ka kultur, tradition
dhaqameed traditionell
ka dhigaa resulterar i ngt
dhoobo -da lera, gyttja, jord
dhumaa försvinner
doortaa väljer, utser
geeyaa för, transporterar, tar med sig
illoobaa glömmer
istaagaa ställer sig, reser sig, stannar (upp)
jiifsadaa lägger sig ner
kaxeeyaa tar med sig
khiyaali -ga fantasi, föreställning, illussion
khiyaali ahpåhittad
maleeyaa gissar
maqnaadaa är frånvarande, saknas
nacas -ka idiot, dumhuvud
qoyan våt, blöt
sheeko-dhaqameed -ka folkberättelse, sägen
sifeeyaa beskriver
taagaa sträcker
tilmaan -ta tecken, signal, egenskap, adjektiv
waayaa förmår inte
waydiiyaa frågar
la yaabaa blir förvånad över ngt
yeelaa accepterar, gör

Cutubka 3aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.