Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 3aad

Asluubta hadalka

Inta aadan akhrin ka hor
Dhaqso u dul mar casharkan.
1. Sheeg saddex qaybood ee jirka ka mid ah ee casharka ku jirta.
2. Sheeg saddex nimco ee Alle ina siiyey ee casharka ku jirta.

Allaha ina abuuray, waxa uu ina siiyey nimcooyin fara badan, waxana ka mid ah: caafimaadka, cuntada iyo biyaha. Waxa kale ee Alle ina siiyey xubno kala duwan ee jirka ka mid ah ee hawlo u qabta, waxana ka mid ah: afka, sanka, dhegaha, indhaha iyo carrabka.

Waxaa carrabka laynoo siiyey in aan ku hadalno oo aan ku sheegno waxa fiican oo Rabbi raalli ka yahay. Waa in carrabkeenna aanan dadka ku caayin. Rasuulkeennu (NNKH) waxa uu yiri: "Qofku waa in uu wax khayr ah ku hadlaa ama uu iska aammusaa. Hadal dhaadheer ee dadku dhibsanayo waa in aad iska ilaalisaan."

Indhuhu xaq weyn ayaa ay nagu leeyihiin, sababta oo ah waa nimco Alle inoo siiyey in aan wax wanaagsan ku aragno waxna ku akhrisano. Waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu xasaasisan jirka qofka oo laga doonayo in mar kasta uu nadiifiyo kana ilaaliyo waxa Alle agtiisa ku xun sida shaneemooyinka iyo ciyaaraha qofka akhlaaqdiisa xumaynaya oo dhan.

Ka jawaab su'aalahan.
1. Qofka goorma ayaa loo oggol yahay in uu hadlo?
2. Sidee baa nalaga rabaa in aan u hadalno?
3. Allaha koonkan abuuray waxa uu amray ninkii ka leexda maxaa uu rabaa?
4. Haddii aadan caafimaadkaaga ku dadaalin maxaa kugu dhici kara?

Sifaynta sheeyaal.
Cutubkii 2aad waxa aad isticmaashay tilmaamo lagu sifaynayo dad. Sida oo kale waxa aan isticmaali karnaa tilmaamo lagu sifaynayo sheeyaal.

Ka feker walax.
* Sidee buu u weyn yahay?
* Sidee baa loo dareemaa?
* Maxaa uu ka samaysan yahay?
* Sidee buu u culus yahay?
Dabadeed u sharrax sheygaas saaxiibbadaa.

Tusaale:
Waa uu weyn yahay.
Waa wareegsan yahay.
Waa uu adag yahay.
Waxa uu ka samaysan yahay saan ama maro.
Aad ayaa uu u culus yahay.
Maxaa uu yahay?

Dabadeed weydii saaxiibbadaa shaygu waxa uu ahaa.
Jawaabtu waa "banooni".

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

aammusaa är tyst
adag stark
akhlaaq -da uppförande, moral, disciplin
amraa befaller, beordrar
asluub -ta gott uppförande
caafimaad -ka hälsa
caayaa sårar, förolämpar
culus tung
daddaalaa anstränger sig
dareemaa känner, upplever
dhaqso snabbt
dhibasadaa, -sataa blir irriterad
dul maraa far över
goorma? när?
hawl -sha arbete
il, indho källa, öga
iska ilaaliyaa avhålla sig från, akta sig för
khayr -ka något bra
koon -ka skapelsen, världen
leexdaa, leexataa vända sig bort
maro tyg
nimco resurs från naturen, överflöd, välstånd
oggol yahay tillåter, accepterar
raalli -ga välbehag, tillfredsställelse
saan djurhud
shaneemo -da film
sharraxaa beskriver
sifeeyaa beskriver
wareegsan rund
xaq -a rätt, rättvis, rättighet
xasaasi ah känslig, ömtålig
xubin -ta kroppsdel

Cutubka 4aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.