Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 4aad

Baranbaro

Inta aadan akhrin ka hor
Maxaa aad ka taqaan baranbarada?
Ma jeceshahay?
Ma ka baqdaa?

Kooxo u shaqeeya. Qor afar shay ee aad dooneysid in aad ka ogaatid baranbarada?

Hadda akhri sheekada. Isku day in aad ka heshid sheekada jawaabaha su'aalahaaga.

1. Baranbaradu waa xayawaan dheelmada habeenkii. Taa macnaheedu waxa uu yahay, waxa ay socotaa habeenkii marka ay xayawaannada intooda badani hurdayaan.

2. Baranbaradu waxa ay leedahay lix lugood oo xoogxooggan oo ay uga carari karto cadowgeeda. Baranbaradu sidoo kale waxa ay leedahay labo dareeme oo dhuudhuuban. Waxa ay u isticmaashaa dareemayasha in ay ku uriso sheeyaal ka fog. Sidoo kale waxa ay ku dareentaa sheeyaalka taabasho iyada oo isticmaalaysa dareemayaalka. Baranbaradu waxa ay had iyo jeer dhadhamisaa cuntada inta aysan cunin ka hor.

3. Waxyaabaha baranbaradu cunto waxa ka mid ah: saabuunta, warqadaha, maqaarka iyo dharka. Sidoo kale waxa ay cuntaa cuntooyinka looga tago dabool la'aan. Waxaa la sheegay in baranbaradu bilo noolaan karto iyada oo aan cunin cunto.

4. Baranbaradu hal mar ayaa waxa ay dhashaa laba iyo toban ukumood. Ukunteedu waxa ay had iyo jeer ku jirtaa xirmo yar. Dabadeed hooyada ayaa waxa ay ku qaaddaa xirmada calool-ku-jirteeda meesha ay ku dhammaato. Inta badan baranbaradu waxa ay qaaddaa ukunteeda ilaa ay ka dillaacayso. Dabadeed waxa ay dhigtaa meel ammaan ah oo mugdi ah sida armaajo dhexdeed ama musqusha meel ka mid ah.

5. Ilmaha baranbaradu waxa ay u eg yihiin kuwa waaweyn, laakiin ma laha baalal. Waxa ay cunaan cuntada kuwa waaweyn cunaan. Carruurta waxaa dhowr jeer ka dhaca maqaarkooda marka ay korayaan.

6. Marka ay baranbaradu wasakhowdo, iyada ayaa si taxaddar leh isu nadiifisa. Waxa ay isku nadiifisaa dareemayaasheeda iyada oo ku soo jiidaysa afkeeda.

Erayo.

1. Ku qor sawirka adiga oo isticmaalaya erayadan:
uusley - dareemayaal - baal - lug

2. Magacow laba xayawaan oo kale ee dheelmada.

Fiiri mar kale qoraalka baranbarada.
Qoraalkee baa inoo sheegaya waxyaabahan?
Isku aaddi tirada iyo qoraalka.

sida baranbaradu isu nadiifiso
ilmaha baranbarada
waxa baranbaradu cunto
baranbarada iyo socodka habeenkii
ukunta baranbarada
sida baranbaradu u eg tahay

Akhri qoraalka mar kale kana samee qoraal ku saabsan baranbarada.

goorma ayey seexataa
tirada lugaheeda
waxa ay u isticmaasho dareemayaasha yar-yar
waxa ay cunto
tirada ukunta ay dhasho
sida ilmuhu u eg yihiin

4. Maxaa aad ka baratay baranbarada?

Dhammaystir weerahan.

Waxa aan horay u ogaa .....
Waxa aan ogaaday .....
Waxa aan sidoo kale ogaaday .....
Shayga ugu xiiso badan ee aan ka ogaaday baranbarada waa .....

5. Shanta xeer ee laysaga ilaaliyo baranbarada waa.
1. Wax waliba ka dhig nadiif.
2. Qaad jajabka sida jab rooti ah. Dabool cuntada soo harta.
3. Ku buufi gurigaaga sunta cayayaanka.
4. Ka xir duleellada yar-yar ee ay baranbaradu gasho.
5. Dabool fadhiga musqusha.

Ka jawaab su'aalahan.
1. Maxaa aad ugu malaynaysaa in ay tahay in aan ka qaadno jajabka yar-yar ee cuntada ah ee yaal meelaha oo aan islamarkaana daboolno cuntada soo harta?
2. Hal mar, ma ku filan tahay guriga in la buufiyo si baranbarada looga cirib tiro? Sheeg sababta jawaabtaada.
3. Magacow meelaha baranbaradu gurigaaga ka geli karto.

Xeerarka qoraalka.
Fiiri mar kale shanta xeer.
1. Qor shanta xeer ee falalka? Maxaa aad ogaatey? Waxa aan isticmaalnaa amarro marka aan qorayno xeerar.
2. Xeerarku badanaa ma dhaadheer yihiin mise waa ay gaagaaban yihiin?

U shaqeeya koox-koox. U diyaari fasalkaaga xeerar. U qor xeerarka si nidaamsan.

Xiriiriyeyaasha - hase-yeeshee iyo sidaa darteed.
Fiiri qoraalkan.

Ku buufi gurigaaga sun. Hase-yeeshee, qaar baranbarada ka mid ah ayaan dhimanayn. Waxa ay caadaysteen sunta noocaas ah. Sidaa darteed, waa in aad mar waliba beddeshaa daawada.

Hase-yeshee iyo sidaa darteed waa xiriiriyeyaal. Waxa ay isku xiraan labo weerood oo waxa aan u qornaa marka weerta labaad ay ka hadlayso weerta koowaad.

Waxa aan isticmaalnaa hase-yeeshee marka weerta labaad ay ka hadlayso lidka weerta koowaad.

Dad badani waxa ay ka baqaan baranbarada. Hase yeeshee qofna wax ma yeesho.

Waxa aan isticmaalnaa sidaa darteed marka la sharxayo shay aan isku niri weerta hore.

Baranbaradu waxa ay cuntaa cuntada soo harta. Sidaa darteed waa in aan daboolnaa cuntadeenna.

Isku xir weerooyinka adiga oo isticmaalaya hase yeeshee ama sidaa darteed.
1. Waxa aan u malaynayaa in baranbaradu wasakh tahay. Iyaga naftooda ayaa si fiican isu nadiifiya.
2. Baranbaradu waxa ay ka soo geli kartaa guryaheenna meelaha duleela. Waa in aan xirnaa duleelladaas.
3. Baranbaradu waxa ay cuni kartaa waraaqaha. Waa in aan isticmaalnaa dhagax aan ku xirno daloollada.
4. Baranbaradu waxa ay cuntaa saabuunta iyo waraaqaha. Sidoo kale waxa ay jeceshahay cuntada.
5. Maanta waxaa jirta qorrax. Hawadu waa ay qabowdahay.
6. Roob ayaa di'i doona Alle idinkii. Innagu kuma ciyaari karno bannaanka.
7. Lo'du biyo badan ayey cabtaa. Si dhaqso ah ayaa mar kale oon u qabtaa.
8. Kalluunku waxa uu ku nool yahay badda. Uma neefsado sida dadka.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

ammaan -ka säkerhet
armaajo -da skåp
buufiyaa sprutar, sprayar, blåser upp
caadaystaa vänjer sig vid ngt
calool mage
cararaa flyr, springer
cayayaan -ka insekt
cirib-tiraa utplånar, utrotar
daboolaa täcker över, lägger lock på ngt
dareeme sinne organ nerv, här: känselspröt
isku dayaa försöker
dhadhamiyaa smakar
dheelmadaa är aktiv på natten, reser om natten
dhowr flera
dhuuban smal
diyaariyaa gör i ordning
duleel -ka hål
duleelaa har hål
fadhiga musqusha toalettstol
fal handling
filan tillräcklig
fog avlägsen
soo haraa vara kvar
jab -ka bit, del
jajab -ka smula, korn
jeer gång
jiidaa drar
lid -ka motsats
maqaar -ka skinn, hud
mugdi -ga mörker
musqul toalett
neefsadaa andas
oon -ka töst
qorrax -da sol
seexdaa, seexataa sover
sharxaa förtydligar
sun -ta gift
taabasho beröring
uriyaa luktar
uuslay -da buk, mage
xeer -ka regel
ugu xiiso badan mest intressant
xirmo bunt, paket
xooggan stark
yeelaa går med på ngt, medger

Cutubka 5aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.