Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 5aad

Hadal aan erayo lahayn

Inta aadan akhrin ka hor
Waxaa Ilaahey awood kuu siiyey in aad samayso waxa aan xayawaanku samayn karin.
Maxaa aad u malaynaysaa in uu yahay?

Waxa aan barannaa hadalka marka aan yar nahay, laakiin xayawaanku ma hadli karaan. Hase-yeeshee, xayawaanku waxa ay isla hadlaan iyaga oo aan erayo isticmaalin. Waxa aan ugu yeernaa arrintan isla xiriirka.

Xayawaannadu qaar waxa ay isku la xiriiraan qaylo, dhaqdhaqaaq iyo taabasho.

Weligaa ma aragtay shinni ku wareegeysanaysa hawada? Waxa ay la xiriiraysaa kuwo kale. Qaabka ay wareegga u samayso waxa ay u sheegeysaa shinnida kale meesha laga helo cuntada iyo inta ay la'egtahay.

1. Ma sheegi kartaa xayawaan sameeya hangar ama ur?
2. Maxaa ay urtaasi u sheegeysaa xayawaannada kale?
3. Ma sheegi kartaa xayawaan sameeya dhawaaq hees u eg marka uu farriin gaarsiinayo kuwa kale?
4. Shimbiruhu dhammaan ma sameeyaan dhawaaqyo kala duwan? Sababtee ayaa aad ugu malaynaysaa in ay u sameeyaan dhawaaqyo kala duwan?
5. Sababtee baad ugu malaynaysaa in xayawaannadu farriin isgaarsiiyaan ?
6. Dadka iyo xayawaanku ma wada xiriiri karaan? Sheeg tusaalooyin la xiriira waayo-aragnimadaada.

Si ay ula xiriiraan eeyuhu dadka iyo eeyaha kale waxa ay isticmaalaan sayntooda, faruuryahooda, timahooda iyo jirkooda. Qofka muslimka ahi waxa uu iska ilaaliyaa taabashada eeyaha. Fiiri sawirradan. Ma arki kartaa kala duwanaanshaha u dhexeeya eeyaha?

Eeygani waxa uu ku hanjabayaa in uu ku qaniini doono. Haddii aad u dhowaato waxaa dhici karta in uu ku qaniino.

Eeygani waxa uu ku hanjabayaa in uu ku qaniini doono. Laakiin sida oo kale waa uu kaa baqayaa. Waxaa dhici karta in uu ku qaniino ama uusan ku qaniinin.

Eeygani aad ayaa uu u caraysan yahay, waana naxsan yahay. Waxaa laga yaabaa in uu difaacayo ilmihiisa. Haddii aad u dhowaatid, waxa hubaal ah in uu ku qaniinayo.

Carruurtu erayo kuma hadlaan marka ay dhashaan. Waa sida xayawaanka oo kale. Laakiin waxa jirta in ay kari karaan in ay nala xiriiraan (muujiyaan baahidooda).

Fiiri sawirkan.
1. Sidee buu cunuggu u gaarsiinayaa hooyadii baahidiisa?
2. Maxaa uu doonayaa ilmuhu in uu u sheego hooyadiis?

Erayo la'aan xiriir ma samayn kartaa?
Koox-koox u shaqeeya. Isku day in aad la xiriirtid waxyaabahan soo socda adiga oo aan hadlin.
b. Waxa aad rabtaa in aad qof soo jeedisid. Sidee baad oranaysaa?
t. Waxa aad taagan tahay dariishada gurigaaga. Saaxiibkaa oo taagan laamiga ayaa raba in aad raacdid. Tusi in aadan bixi karin oo ilig ku xanuunayo.
j. Walaashaa ayaa ku warsatay in aad baahan tahay iyo in kale. Waxa aad doonaysaa in aad u sheegto in aad dheregsan tahay. Sidee baad ugu sheegi kartaa adiga oo aan la hadlin iyada?
x. Ka faker waxyaabo kale ee aad erayo la'aan ku muujin kartid. Weydii saaxiibbadaa in ay ku sheegaan waxa aad leedahay.

Inta aadan akhrin ka hor
Waxa aad akhrin doontaa sheeko ku saabsan sidii qarsoonayd ee wiil iyo aabbihii isula xiriireen.

Akhbaarta dahsoon

Beri baa waxa jirey oday reer miyi ah. Waxa uu lahaa wiil uu aad u jeclaa. Waxa uu go'aansaday in uu u diro wiilkiisii dugsi ku yaalley magaalo aad uga fog gurigiisa. Noloshuna aad bay uga duwanayd tii guriga ee sahlanayd, inankana aad bay ugu adkayd in uu la qabsado. Si degdeg ah ayaa wiilkii farriin ugu faray niman safar ah oo ka soo safray reerka aabbihiis meel ku dhow waxa uuna ku yiri, "Aabbahay u sheega in aan shanta wakhti hal weyso ku tukado."

Aabbihii waxa uu helay farriintii waana uu fahmey in wiilku shanta wakhti hal mar wax cuno oo uu rabo in cunto loo soo dhiibo. Waxa uu odaygii bilaabay in uu raadiyo cid magaaladii u socoto. Dhowr cisho ka dib waxa uu helay nin safar ah ee magaaladii u socdo, waxana uu u dhiibey soddon wasladood oo hilib ah iyo jeeg subag ah.

Waxana uu ku yiri dhambaalwadihii, "U geey cuntadaas wiilkayga. U sheeg wiilkayga in bishu ay soddon maalmood tahay balliguna buuxo." Dhambaal wadihii waxa uu ballan qaaday in uu cuntadii iyo dhambaalka uu u gudbin doono wiilkii in kastoo uusan fahmin farriinta.

Intii uu jidka sii socday dhambaalwadihii waxa uu xaday xoogaa hilib iyo subag ah. Markii uu gaaray meeshii uu u socdey waxa uu wiilkii ku wareejiyey cuntadii soo hartay iyo farriintii uu aabbihii uga sidey.

Wiilkii madaxa ayaa uu ruxay waxa uuna furay weelashii. "Hilibka iyo subagga aaway intii kale?" wiilkii ayaa weydiiyey. Dhambaalwadihii oo naxsan waxa uu ku dheygagay wiilkii, waxa uuna weydiiyey sida uu ku ogaadey.

Wiilkii waxa uu ku jawaabay, "Aabbahay ayaa si cad iigu sheegay farriintii uu soo diray." Inankii waxa uu yiri "Bishu waa soddon maalmood micnaheedu waxa weeye in uu soo diray soddon wasladood oo hilib ah." Markii aan furay koleyga waxaa maqnaaday dhowr wasladood. Waxa kale oo aabahay yiri, "Balligu waa buuxaa," laakiin waxa aan arkay jeegga subaggu ku jiro in uusan buuxin." Dhambaal wadihii waa uu isku yaxyaxay waa uuna qirtay dembigiisii. Waxa uu weydiistey cafis toos ah oo uu wiilkii si sahal ah ku oggolaaday. Waxa ayna go'aansadeen in ay arrintu halkaas ku dhammaato.

Ka jawaab su'aalahan.
1. Maxaa uu aabbuhu ugu diray wiilkiisa magaalada?
2. Cunto intee le'eg ayaa uu aabuhu u diray wiilkiisa?
3. Maxaa ay ahayd farriinta uu aabbuhu u diray wiilkiisa?
4. Maxaa aad u malaynaysaa sababta farriinsiduhu uu u xaday cuntada?
5. Sidee ayaa uu wiilku ku ogaaday in cuntadii qaarkeed maqan tahay?
6. Maxaa uu dareemay dhambaal waduhu?
7. Maxaa aad ugu maleyneysaa in wiilku uu isaga cafiyey dhambaal wadaha?
8. La shaqee saaxiibkaa. Ka faker farriin leh labo macno. Dabadeed u sheeg saaxiibbadaa. Ma ka fahmi karaan labo macne?

Raadi erayada dahsoon iyo akhbaarta.
Ninkii duqa ahaa akhbaar dahsoon ayaa uu wiilkiisii u diray. Halkan waxa ku qoran farriimo qarsoon.

Ka raadi erayga dahsoon siddeeddan qoraal. Qor erayga dahsoon.
Qor xarafka ka horreeya K.
Qor xarafka ka dambeeya Y.
Qor xarafka u dhexeeya D iyo S.
Qor xarafka ka dambeeya R.
Qor xarafka ka horreeya U.
Qor xarafka ka dambeeya I.
Qor xarafka labaad ee ka dambeeya X.
Qor xarafka labaad ee ka dambeeya A.

Xaraf kasta ku beddel xarafka ka dambeeya ee xarfaha. Tusaale, haddii aad xarafka Q ku beddeshid xarafka K, xarafka A-na aad ku beddeshid xarafka E oo aad xarafka M-na ku beddeshid xarafka N erayga QAAM waxa uu noqnayaa KEEN.

Qor saddexdan farriimood.
qaam fykem - qyykkyhuadde - re fodjiim o fid.

Halkani waxa ku qoran saddex weerood. Dib u qor si ay u noqdaan erayo sir ah. Xaraf kasta ku beddel xarafka ka dambeeya ee xarfahan.
b. Fal beerta.
t. Xusuuso xarfaha.
j. Kaalay galabta.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

akhbaar-ta nyhet, information
awood allsmäktig, förmåga, makt
baahan hungrig
baahi -da nöd
ballan löfte
balli -ga damm
beddel byt, ersätt, ändra
cad tydlig
cafis förlåtelse
cafiyaa förlåter
caraysan arg
cid folk
cisho dag
cunug -ga bebis
dahsoon dold, dunkel
dareemaa känner, upplever
isku dayaa försöker
dhambaal telegram
dhawaaq -a rop, ljud
ku dhaygagaa stirrar på ngn
dheregsan mätt
dhiibaa lämna, ge, betala
dhowr flera
diraa skickar
farriin -ta meddelande
farriin-side -ha budbärare
faruur -ta pl. -yo -ha läpp
furaa öppnar
gaaraa kommer fram
gaarsiiyaa framför
geeyaa transporterar, bär
go'aansadaa beslutar sig
gudbiyaa överlämna
hangar ????
hanjabaa hotar
hannaan -ka form
hubaal ah säker
iska ilaaliyaa undviker, håller sig borta från
iyo in kale eller inte
soo jeediyaa vänder sig mot ngn, föreslår
jeeg -ga mjölkkanna
kolay -ga korg, låda
laami -ga asfalt, asfalterad väg
muujiyaa visar, pekar
naxsan rädd
neefsadaa andas
oggol yahay vara, gå med på ngt
qaab -ka form, mönster, modell
qabsadaa fångar
qaniinaa biter
qarsoon gömd, dold
qaylo -da skrik, rop
qirtaa erkänna
ruxaa skakar
sahal ah enkel, lätt
sahlan lätt
sayn -ta svans
taabasho -da beröring
timo -ha pl.t. hår, päls
toos ah direkt
ur -ka lukt
waayo-aragnimo -da erfarenhet
wareegaa går runt, cirklar
ku wareejiyaa överlämnar till ngn
warsadaa frågar
waslad -da bit, stycke
weel -ka pl. -al -sha burk
weydiistaa ber, begär
xadaa stjäl
xiriir-ka kontakt
xoogaa lite
waxaa laga yaabaa in det är möjligt att
yaxyaxaa skämmas
ugu yeeraa kallar ngt för ngt

Cutubka 6aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.