Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 6aad

Aqalka

Ka faker su'aalahan jawaabahooda inta aadan akhrin sheekada ka hor.
Yaa sheegaya sheekadan?
Ma wiil baa mise waa gabar? Sheeg sababta jawaabtaada.
Immisa ayaa aad u malaynaysaa ay jiraan wiilka iyo gabadhu?

Aniga oo ay ila socdaan Canab, Xaawo iyo Maryan ayaan helnay aqal qabyo ah. Aqalku waxa uu ka samaysnaa oodo, laamo iyo caleemo.

Maalin ayaa Sacdiya iyo Canab ay na raaceen. Waxa ay rabeen in aan aqalka tusno. Carruur ayaa aqalka dhisatay beri hore. Iyaga oo aan dhammaystirin ayaa ay iskaga tageen. Markaas waxa aan saaxiibbaday u sheegay in aan aqal fiican ka dhigno.

Maalintii xigtey waxa aan qaadannay gudin iyo yaambo. Aqalku waxa uu ku dhex yaaley kayn weyn. Annaga oo faraxsan oo wadanna qalabkii dhismaha ayaa aan tagnay

Canab ayaa aragtay baabuur cusub oo aqalka dhiniciisa taagan. Waxa aan la yaabnay gaariga kaynta dhex yaal. Baabuurkii ayaan u soo dhuumannay. Baabuurka cidi kuma ay jirin daaqaduhuna waa ay u xirnaayeen. Laakiin daaqad ayaa ka jabanayd gaariga.

Waxa aan awoodney in aan gudaha u galno laakiinse waan iska dhaafnay, hawl ayaa na sugeysey.

Sacdiya iyo Canab waa ay yaabeen markii ay arkeen aqalka. Waxa ay u malaynayeen in uu yar yahay. Waxa uu ahaa aqal weyn. Si deggenaan ah ayaan u istaagnay aqalka hortiisa. Dabadeed si aayar ah innaga oo u soconna ayaan ku soo wareegnay aqalkii. Si taxaddar leh ayaan u fiirinnay xaaladda derbiyada iyo saqafka guriga.

Markiiba shanqar la yaab leh ayaan aqalka ka dhex maqalnay. Waxa ay ahayd khuuro. Mar qur ah ayaan wada naxnay oo aan baqnay!

Maxaa sameeyey shanqarta?

Wad sheekada.
Kooxo afar-afar ah u shaqeeya. Waxa aad iska dhigtaa in aad ka mid ahayd kooxdii tagtay aqalka oo maqashay shanqartii layaabka lahayd.

* Yaa sameeyey shanqarta?
* Ma qof baa sameeyey mise xayawaan? Ma waxa uu ahaa ninkii baabuurka lahaa?
* Maxaa dhigay aqalka dadka ama xayawaanka?
* Maxaa aad samaysay?
* Maxaa dhacay oo ku xigey?

Hadda qor inta ka hartay sheekada. Xusuusnow in aad ka mid tahay kooxda sheekada ku jirtey. Isticmaal aniga marka aad qoraysid sheekada inta ka dhimman.

Falkaab.
Fiiri weertan:

Si aayar ah ayaa uu baabuurkii ugu dhuumanay.

Aayar waa falkaab. Falkaabyada waxa ay sifo ka bixiyaan sida aan wax u samayno. Hoos ka xariiq falkaabyada ku jira weerooyinkan.

1. Si deggenaan ah ayaan u istaagnay aqalka hortiisa.
2. Dabadeed si aayar ah innaga oo u soconna ayaan ku soo wareegnay aqalkii.
3. Si taxaddar leh ayaan u fiirinnay xaaladda derbiyada iyo saqafka guriga.

Dooro falkaabka ugu habboon.
1. Sidee baad u soo qaadaysaa shimbir dhaawacan?
2. Sidee baad u qaylinaysaa haddii dugsigaagu dhaliyo gool?
3. Sidee baad u fariisanaysaa masaajidka dhexdiisa?
4. Sidee baad u qaylinaysaa haddii aad aragto cunug baabuur ku hor ordaya?

Ciyaar ciyaarta falkaabka.
Macallinka ayaa qof idinka mid ah u diraya bannaanka. Dabadeed waxa uu idiin sheegi doonaa falkaab. Tusaale "aayar ah." Marka uu saaxiibkaa soo noqdo waxa uu kuu sheegi doonaa in aad samayso waxyaabo kala duwan. Waxa aad u samaysaa habka falkaabka. Tusaale, waxa aad u hadli ama u socon kartaa si aayar ah. Saaxiibkaa waa in uu maleeyaa falkaabka uu yahay.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

aayar långsamt
awoodaa är i stånd att
baqaa blir rädd, spinger sin väg
daaqad fönster
degganaan lugn, tyst, stilla
iska dhaafaa ????
dhaawacan skadad
dhuuntaa, dhuumataa gömmer sig
falkaab -ka adverb
gudin yxa
gudo/gude insida
hab -ka sätt
hawl arbete
jaban sönder, trasig
khuuro snarkning
laan pl. laamo gren
la-yaab -ka överraskning
naxaa blir rädd
ood snår, staket
soo qaadaa föreställer sig
qabyo ofärdig
qalab material
qayliyaa skriker, ropar
qur en enda, enkel, ensam
saqaf -ka tak
shanqar oväsen
sifo symbol, märke, tecken
sugaa väntar
wataa, wadataa för med sig
xaalad -da tillstånd
xiran stängd
xusuusnow kom ihåg
yaabaa blir förvånad
yaambo hacka
la yaab överraskning
la yaab leh konstig, underlig, överraskande

Cutubka 7aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.