Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 7aad

Waan idin sugaynaa

Akhri heestan.

Ardaydii dhulkaygaay
arax iyo halbowlow
ubixii furnaayee
adduunyadu u qososhow
waan idin sugeynaa.

Indhihii dillaacee aragtida wacnaayow
ubadkii koraayee aayaha samaayow
waan idin sugaynaa.

Ilayskii baxaayee dadku ku ambaqaadow
aabbih iyo hooyada ayaamaha kan
waan idin sugaynaa.

Qor hees.
Koox-koox u shaqeeya. Qor hees ku saabsan gurigaaga, macallimiintaada iyo saaxibbadaa. Dabadeed heestaas u akhri saaxiibbadaa.

Horumarinta qoristeenna.

Fiiri weertan.

Gabadhii waa ay orodday.

Weerta kama aan helin war badan. Waxa aan jecel nahay in aan jawaabo u helno su'aalo dhowr ah.

Hadda waxa aan haysannaa warar badan. Runtii waxaa jiri kara jawaabo kale oo laga bixin karo su'aalahaas gabadha ku saabsan.

Mar kale fiiri sawirka. Qor weer dheer oo ku saabsan gabadha. Isticmaal tilmaamayaal iyo falkaabyo.

Ku kordhi macno badan weerahan.

b) Baabuurkii waa uu istaagay. Baabuurkee? Maxaa uu u istaagey?
t) Gabadhii wax bay cuntay. Gabadhee? Maxaa ay cuntay? Maxaa ay u cuntay?

Xusuusnow: Weerooyinku waxa ay ka bilowdaan xaraf weyn waxana ay ku dhammaadaan joogsi.

Qor weer ku saabsan sawir walba. Isticmaal tilmaamayaal iyo falkaabyo si aad u samaysid weer xiiso leh.

b. Libaaxyadu waa ciyaan.
• Waa kuwee libaaxyadu?
• Sidee bay u ciyaan?
• Maxaa ay u ciyaan?
• Xaggee bay ku nool yihiin?

t. Baabuurkii waa la hagaajiyey.
• Sidee buu u eg yahay baabuurku?
• Xaggee baa laga hagaajiyey?
• Yaa hagaajiyey?

j. Daanyeerku waa uu ciyaarayaa.
• Sidee buu u eg yahay daanyeerku?
• Maxaa uu daanyeerku ku ciyaarayaa?

x. Safiya waa ay dhuumanaysaa.
• Xaggee bay ku dhuumanaysaa?
• Waayo?

* * *

Dheel: Labaatan su'aalood.

Macallinkaaga ayaa wax ka fekeraya. Waa in aad heshaa waxa ay yihiin waxaasi. Waxa aad weydiin kartaa labaatan su'aalood.

Haddii aad ku soo saari weysid jawaabaha labaatankaas su'aalood, macallinkaaga ayaa kuu sheegi doona waxa ay yihiin.

Waxaa laguu ogolyahay su'aalaha aad weydiineysid in jawaabtoodu ahaato ha ama maya.

Waxa muhim ah in si taxaddar leh looga fekero sida aad su'aasha u weydiinaysid. Haddii aad weydiisid
"Ma baabuur baa?"
"Ma hilib baa?"
"Ma dariishad baa?"
labaatankooda su'aalood waxa aad u dhammayn kartaa si dhaqso ah.
Waxa fiican in su'aalaha habkan loo weydiiyo: "Xaggee laga helaa shayga?"
"Ma wax nool baa?"
"Ma wax la soo iibsan karaa?"
Macallinkaaga ayaa tirin doona inta su'aalood ee aad weydiiso.

* * *

Erayo cuscusub

ayaan -ka öde, lycka
ayaan -ta dag
aayo -ha styvmor, faster
aayo -da framtid, öde
amba <-- ama + ba eller
aragti -da syn
arax ryggrad
caraysan arg
ciyaa ryter
dhaqso snabb
dheel lek
dhowr flera
dhuuntaa, dhuumataa gömmer sig
dillaacaa kläcks
eg yahay ser ut
hab -ka sätt
hagaajiyaa reparerar
horumarin utveckling
ilays -ka ljus
kordhiyaa får att öka
kuu < ku + u för dig
laguu < la + ku + u man ... för dig
mase = mise eller
la oggol yahay man tillåter, det är tillåtet
ubad -ka koll. barn, efterkommande
ubax -a blomma
wacan perfekt, utmärkt
xiiso leh intressant

Cutubka 8aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.