Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 8aad

Sannadka

Bilaha sannadka.

Guuri jadwalkan. Ku buuxi maalmaha bil waliba ay leedahay. Waxaa ku caawin doona weerooyinka hoose ee bilaha ee isticmaal.

Waxaa soddon maalmood leh
Sebteembar, Abriil, Juunyo iyo Nofeembar.
Inta soo hartay waxa ay leeyihiin kow iyo soddon maalmood,
marka laga reebo bisha Feberaayo.
Taas oo leh siddeed iyo labaatan maalmood.
Laakiin afartii sano ka dib waxa ay yeelataa sagaal iyo labaatan maalmood.

Ka jawaab su'aalahan.
1. Immisa bilood ayaa ku jirta sannadka?
2. Immisa bilood ayaa ka bilaabata xarafka m?
3. Immisa bilood ayaa ku dhammaata bar?
4. Immisa bilood ayaa leh 31 maalmood?
5. Immisa bilood ayaa leh 30 maalmood?

Samayso kalandaariyahaaga.
Guuri jadwalkan. Qor hal weer oo ku saabsan waxa aad bil waliba samaysid. Tusaale:
* Goorma ayaa aad bilowdaa waxbarashada dugsiga?
* Waa goorma fasaxa dugsigaaga?
* Waa goorma bisha Ramadaan ee sannadkan?

Akhri kalandaariyaha.

Adiga oo isticmaalaya kalandaariyaha ka jawaab weydiimahan.
1.
b.
Immisa Axadood ayaa ku jirta bisha Oktoobar 2002?
t. Immisa Sabti ayaa ku jirta bisha Oktoobar 2002?
j. Immisa Talaado ayaa ku jirta bisha Oktoobar 2002?
x. Axaddii labaad ee bisha Oktoobar immisa ayey ahayd taariikhdu?
kh. Taariikhdu immisa ayaa ay ahayd khamiistii bishii Oktoobar ugu dambaysey?
2. Fiiri Talaadadii ugu horreysey ee bisha Oktoobar. Dabadeedna fiiri maalinta ka horraysa. Isniin bay ahayd. Taariikhduna waxa ay ahayd .....
3. Oktoobar bisha ku xigtaa waa Nofeembar. Fiiri kalandarka oo waxa aad soo saartaa maalinta ugu horreysa Nofeembar.
4. Maalintee ayaa ay ku beegan tahay 17ka Oktoobar?
5. Immisa maalmood bay ka kooban tahay bisha Oktoobar?

* * *

Erayo cuscusub

ku beegan yahay infaller
fasax -a lov, semester
ka kooban yahay innehåller, omfattar
reebaa utelämnar
ka soo saaraa plockar ut

Cutubka 9aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.