Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 9aad

Tukihii oommanaa

Sheekooyin kala duwan.

Ma waxa aad doonaysaa in aad akhriso sheeko ku saabsan tukihii oommanaa? Sheekadan run ma aha. Waxaa carruurta madadaalo uga dhigi jirey dadkii hore. Waxa aan ugu yeernaa sheekadan oo kala xikaayo khiyaali ah.

1. Maalin ayaa tuke aad u oomay. Biyo ayaa uu meel kasta ka fiiriyey laakiinse waa uu waayey.

2. Ka dib waxa uu arkay dheri ay biyo ku jiraan. Aad ayuu u farxay. Waxa uu ku dul degay dherigii isaga oo filayey in uu ka heli doono biyo uu ka dhergo. Waxa uu dherigii ka helay biyo yar. Waxa uu damcay in uu biyaha ka cabbo. Waxa uu geliyey dherigii qoortiisii, laakiinse waa uu gaari waayey biyihii.

3. Waxa uu ku fekeray inuu dheriga soo qalloociyo. Waxa uu ogaadey haddii uu dheriga soo qalloociyo in biyaha yari ay soo daadan doonaan. Waxa uu ogaadey inuu heli doono in yar oo biyo ah. Madaxa ayuu dherigii ku riixay hase-yeeshee waa uu dhaqaajin waayey waayo dheriga ayaa cuslaa.

4. Waxa uu bilaabay in uu fikrad kale keeno. Tukihii waxa uu arkay dhagxaan u dhow. Xabbad-xabbad ayuu u soo qaaday dhagxaantii oo waxa uu ku dhex riday dherigii. Waxa uu arkay in biyihii soo dhawaanayaan. Markii uu dhagxaantii ku guray dherigii, biyihii si tartiib ah ayey kor ugu soo kaceen. Tukihii oommanaa halkaas ayuu biyihii ku cabbey ilaa uu oonkii ka ba'ay.

Dulucda casharka: Haddii aad dadaasho, waxaa suuragal ah in aad samayso shay marka hore u eg samayntiisu in ay adag tahay. Dadaalaa waa gaaraa haddii Ilaahey la qabto.

Ku qor run, been ama ma aqaan.
1. Dhulkan waxa jirta abaar.
2. Ugu horrayntii tukihii waxa uu isku dayey in uu dherigii ka buuxiyo dhagxaan.
3. Ra'yigii labaad ee tukaha waxa uu ahaa in uu fuulo dherigii.
4. Tukuhu ma lahayn xoog uu ku fuulo dheriga.
5. Tukihii waxa uu dherigii ka buuxiyey dhagxaan.
6. Roob ayaa kor u soo qaaday biyihii dheriga ku jirey.

Fiiri qaybaha sheekada.
Sheekadani waxa ay leedahay afar qaybood. Waxaa lagu calaamadiyey qaybaheeda tirooyin 1-4.
1. Qaybtee baa noo sheegaysa in uu oomay tukihii?
2. Qaybtee baa noo sheegaysa in tukuhu helay dheri biyo ku jiraan?
3. Qaybtee baa noo sheegaysa sidii tukuhu u xalliyey mushkiladdiisii? Sheekada wax baan ka faa'iidaysannay. Sheeg waxa aan ka faa'iidaysannay.
b. Noloshu aalaa waa ay adag tahay.
t. In aan la rajo dhigin.
j. In dhagxaantu biyaha ay ku quusaan.

Halkan waxaa ah sheeko kale ee khiyaali ah. Ka soo saaro erayga saxa ah ee erayada bilaha ku jira. Dabadeed qor.

Dawaco iyo dafo

Ayaan hore waxa (jirtey, jira) dawaco khiyaano badan. Si daran ayey u baahnayd. Waxa ay aragtay dafo geed ku kor fadhida. Dafadu waxa ay afka ku haysatay cad yar oo (hilib ah, qori).

Dawacadii waxa ay (aadday, aadayaa) geedkii oo waxa ay la hadashay dafadii. Waxa ay ku tiri, "Haddii codkaagu qurux (badan yahay, badan yihiin) sida aad u qurux badan tahay, waxa aad ku fiican tahay ciyaarta iyo heesidda." Dafadii ma aysan siin (wax hadal ah, wax jawaab ah). Dawacadii waxa ay ku tiri dafadii, "Bal ii hees aan ku maqlee." Islamarkaasna dafadii geedka fuushanayd waa ay faraxday waxa ayna furtay afkeedii si ay u heesto.

Markii ay heestii bilowday, cadkii hilibka ahaa ayaa ka soo dhacay. Dawacadii waxa ay (cuntay hilibkii, cunay hilibkii). Intaas ka dibna waa ay carartay.

Mararka qaarkood waxaa dhici karta in dadku naga sheegaan waxyaabo fiican si ay noo khiyaanaan. Waa in aanan aaminin wax waliba ee naloo (sheego, u sheeg)

Sida loo qor sheeko aan run ahayn.
Fiiri mar kale sheekadii tukihii oommanaa. Sida loo sheegay waa sidan:
1. Ugu horrayntii tukaha waxaa haysatey mushkilad.
2. Dabadeed tukihii waxa uu isku deyey in uu xalliyo mushkiladdii laakiin kuma uusan guulaysan.
3. Ugu dambayntii waxa uu ku guulaystey in uu xalliyo mushkiladdii haysatay.
4. Waxa aan ka barannay sheekadan dersi.

Sheekooyinka khiyaaliga ah oo dhan waxaa loo dhigaa sidaas.

Qor sheeko khiyaali ah.
Fiiri sawirradan. Kala sheekayso sheekada saaxiibkaa. Dabadeed qor sheekada. Xusuuso in aad isticmaashid astaamaha hadalka. Markii aad qortid sheekada qor dersiga laga baranayo.

Dacawadii iyo cantallaygii

Dulucda casharka: Waxaa qofka muslimka ah ka reebban in uu dadka kale khiyaano.

* * *

Erayo cuscusub

aalaa vanligtvis, ofta
aaminaa litar på
aayo framtid/styvmor
abaar -ta torka missväxt
astaamaha hadalka skiljetecken
ba'aa blir förstörd
cad bit
cantallay -ga stork
cararaa springer, rymmer
cod -ka röst
daataa, daadataa rinner ut
dadaalaa anstränger sig
dafo hök, falk
damcaa önskar, vill
daran dålig
isku dayaa försöker
degaa landar, slår sig ner
dhaqaajiyaa flyttar, sätter i rörelse
dhawaan/dhowaan närmare
dhergaa blir mätt
dheri kärl
duluc -da syfte, avsikt, poäng
filaa tror
fuulaa klättrar upp på
gaaraa når, uppnår
ku guulaystaa lyckas med ngt
kacaa stiger
khiyaal föreställning, fantasi
khiyaano -da lurendrejeri, bedrägeri, trick
madadaalo -da underhållning
oon -ka törst
oomaa blir törstig
oomman törstig
soo qaadaa lyfter
qabtaa håller, tar, griper, fångar
qalloociyaa böjer
qayb -ta del
qoor hals
qori trä, vapen
quusaa sjunker
rajo hopp
ra'yi -ga idé
ka reebaa förhindrar, förbjuder
ridaa kastar ner
riixaa trycker, knuffar
ka soo saartaa plockar ut
suuragal -ka möjlighet
xalliyaa löser
xikaayo -da berättelse, saga

Cutubka 10aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.