Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 10aad

Iskaander

Akhri sheekadan gaaban fiirina xigmadda ku jirta.

Nin Iskaander la oran jirey ayaa wuxuu soo maray magaalo ay isaga dambeeyaan maamulkeeda toddoba boqor oo isdhalay. Markii uu dhintay kii ugu dambeeyey ayey dadkiisii yiraahdeen, "Boqorradii toddobada ahaa firkoodii cidi ma ka joogtaa?"

Iskaander ayaa yiri, "Waxa aan u malaynayaa in uu jiro nin. Sababtoo ah waxa uu booqdaa qubuurahooda maalin waliba."

Ninkii ayaa uu qubuuraha ka raadiyey. Iskaander waxa uuna ku yiri, "Maxaa aad qubuuraha ka doontaa?"

Waxa uu ninkii ku jawaabey, "Waxa aan doonayey in aan kala sooco lafihii boqorrada iyo kuwii addoontoodii. Laakiin waxa aan arkay in ay isku mid yihiin."

Iskaander waxa uu ku yiri: "Ma jeceshahay in la soo celiyo boqortooyadii aabayaashaa iyo sharaftoodii?"

Ninkii qubuuraha booqan jirey waxa uu ku jawaabay, "Haa haddii aad ii ballan qaadaysid waxa aan rabo."

Iskaander waxa uu ku yiri, "Oo maxaa ay tahay waxa aad rabto?"

Waxa uu ugu jawaabay, "Waa nolol aan dhimasho lahayn iyo dhallinyaronnimo aan gaboow lahayn iyo hodonnimo aan faqri ka dambayn iyo farxad aan murugo ka dambayn."

Waxa uu Iskaander ku yiri, "Ma awoodo arrintaas."

Waxa uu ninkii ku jawaabay, "Haddaba iga tag. Arrintaas ciddii awoodda ayaa aan doonayaaye. Waxaa awood u leh Alle oo keliya."

Dulucda sheekada: Ilaahey ayaa laga helaa arrimaha ninku codsaday.

Akhri weerooyinkan.
Ku qor run ama been.
1. Iskaander waxa uu ku noolaa magaalo ay maamuli jireen toddoba boqor.
2. Boqorrada oo dhammi waa ay noolaayeen.
3. Iskaander waxa uu ka soo farcamay boqorrada.
4. Iskaander waxa uu soo booqan jirey qubuuraha maalin waliba.
5. Waxaa isku qasmay lafihii boqorrada iyo kuwii adoontoodii.
6. Iskaander waxa uu doonayey in la kala sooco lafihii isku qasnaa.
7. Ninkii waxa uu u ballan qaaday in uu caawiyo Iskaander haddii uu siiyo lafihii.
8. Ninkii waxa uu rabey nolol aan dhammaanayn.
9. Ninkii waxa uu oggolaaday in uu caawiyo Iskaander.
10. Iskaander waxa uu noqday boqor.

Samee erayo cusub.
Fiiri weertan.
Waxa aan doonayaa in aan dib u soo saaro lafihii boqorrada iyo kuwii addoontoodii.
Dib waa horgale. Macnaheedu waa mar kale. Sidaa darteed dib u saar micnaheedu waa mar kale oo wax lagu dhaqaaqay. Erayo badan oo cusub ayaa aan ka samayn karnaa horgalayaasha.
Fiiri weerooyinkan. Waa maxay micnaha erayada leh khadka madow?
1. Waxa aan soo hilmaamay in aan soo qaato lacagtaydii. Waa in aan dib ugu noqdaa gurigaygii?
2. Haweentu waa ay khaldantay markii ay tidcaysay dharka. Dib ayaa ay ugu noqotay shaqadeedii tidcidda.
3. Taasi waa sheekada aan ugu jeclahay. Fadlan mar kale ii sheeg.

Shibbanayaasha laban-laabma.
Xarfaha labanlaabma waa b d r g l m n
Ku guuri jadwalka. Ku dhig erayadan meesha ku habboon.

kubbad, haddii, carro, xoogga, hillaac
ammaan, bannaan, gabbal, saddex, berri
togga, jaalle, dhammaan, sinnaan, aaddi

Erayo kale ku guuri jadwalka.

Yeeris.
Baro weerooyinkan iyo maah-maahdan. Dabadeed barahaaga ayaa kuu yeerin doona iyaga ee ku qor buuggaaga layliga.
b. Cali waxa uu u socdaa salaadda Jimcaha.
t. Caqligu waa hibo Alle na siiyey.
j. Xishoodku waxa uu ka mid yahay iimaanka.
x. Ballan darro waa diin darro.
kh. Nin soori kaa qaadday waa nin seefi kaa qaadday.
d. Ninba inta uu awoodo ha qabto.
r. Xaaraantu waa quud xun.
s. Ka dheerow cadaawad qoto dheer.
sh. Sir ma qabe Allow sahan ah.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

addoon slav
awood u leh är i stånd
awoodaa är i stånd
ballan löfte
booqdaa besöker
boqor -ka kung
boqortooyo kungarike
caqli intelligens, förstånd
celiyaa lämnar tillbaka, upprepar
cid -da klan, släkt
codsadaa ber om ngt
dhallinyaro ungdom
ku dhaqaaqaa utför
dib u igen, på nytt
fir -ka ursprung
gabow ålderdom
haddaba nu
hibo talang, begåvning
hilmaamaa glömmer
hodannimo -da rikedom
horgale -ha prefix, framförställd partikel
iimaan -ka tro
khaldamaa gör ett misstag
laf -ta ben
maamule chef
soo maraa passerar genom
murug -da sorg
qasan hopblandad
qubuuro -ha gravar, kyrkogård
quud -ka föda, mat
seef -ta svärd
sharaf -ta ära, heder
sida darteed därför
kala soocaa skiljer åt
soor mat
tidcaa flätar (stickar???)
xaaraan -ta något förbjudet enligt islam
xigmad visdom klokhet
xishood blyghet

Cutubka 11aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.