Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 11aad

Cabdi beenlow

Inta aadan akhrin ka hor
Waxa aad akhrinaysaa sheeko khiyaali ah ee Soomaaiiyeed.
1. Fiiri cinwaanka sheekadan. Maxaa aad u malaynaysaa in ay ku saabsan tahay?
2. Maxaad u malaynaysaa in dersiga laga baranayo sheekadan uu noqon doono?

Cabdi waxa uu ahaa wiil reer miyi ah. Waxa uu raaci jirey ari. Maalin isaga oo ari la jooga meel guriga agtiisa ah ayaa uu damcay in uu been u sheego dadka tuulada joogey.

Markaa ayaa uu yiri, "Hayaay! Hayaay! Waa waraabe!" Muddo yar ka dib ayaa waxa ku soo orday dad ulo iyo warmo sita. Markii ay u yimaadeen ayuu ku qosley oo uu ku yiri, "Been weeye ee waraabe ma jiro." Dadkii iyaga oo aad u caraysan ayey guryahoodii ku noqdeen.

Maalintii dambe Cabdi oo arigii la jooga ayaa waxa u yimid waraabe run ah. Waxa uu cunay arigii qaar ka mid ah. Cabdi sidii maalintii hore ayaa uu u qayliyey "Hayaay! Hayaay! Waa waraabe!"

Dadkii tuulada degganaa ayaa maqlay qayladiisii. Laakiin qofna uma soo bixin oo waxa la yiri, "Waa beentiisii hore ee naga daaya." Halkaasna ari badan ayaa waraabihii ku laayey.

Dulucda casharka: Beentaada hore runtaada dambe ayey u daran tahay.

Ka jawaab su'aalahan.
1. Maxaa uu Cabdi u sheegay beenta?
2. Markii dhurwaagu yimid maxaa Cabdi loo kaalmayn waayey?
3. Sheekadani maxaa ay inoo faa'iidaynaysaa?
4. Weligaa sida Cabdi ma samaysay? Maxaa aad samaysay?

Rasuulka (NNKH) waxa uu yiri, "Beentu waxa ay ka mid tahay calaamadaha qofka Munaafaqa ah lagu yaqaan."

Falkaabyo.
Fiiri sheekadan. Immisa falkaab ayaa aad ka heli kartaa? Ku dar falkaabe weerooyinkan.
1. Libaaxii waxa uu ..... ugu qayliyey dhurwaagii.
2. Duqdii waxa ay ..... ula hadashay gabadhii.
3. Ninkii waxa uu ku ..... "Joogso, tuug!"
4. Hooyadii waxa ay u qaadday ilmihii si .....
5. Dadkii tuulada waxa ay u ordeen ..... si ay u kaalmeeyaan Cabdi.

Qor sheeko khiyaali ah.
Qor sheeko gaaban ee ku saabsan qof sheegay been iyo dhibaatooyinka ay dhalisay.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

* * *

Erayo cuscusub

beenlow -ga lögnare, lögnhals
caraysan arg
ka daayaa lämnar i fred
damcaa önskar, vill, avser
ku daraa inkluderar, tillsätter, lägger till
u daran dålig för, skadlig för
dhaliyaa förorsakar, utlöser
dhibaato svårighet, problem
kaalmeeyaa hjälper
laayaa dödar, slår ihjäl
munaafaq skenhelig person
qayliyaa skriker, ropar

Cutubka 12aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.