Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 12aad

Cigaal Shiidaad iyo colkii

Inta aadan akhrin ka hor
Weligaa ma maqashay Cigaal Shiidaad?
Nin sidee ah ayaa uu ahaa?
Sheekadan aad akhrin doontid waa noocee?

Beri hore waxa jiri jirey nin la oran jirey Cigaal Shiidaad. Cigaal waxa uu ahaa nin fulay ah oo wax kasta ka baqa. Maalintii dambe ayaa raggii qabiilkiisa ahaa oo dhammi ay dagaal tageen oo qabiilo kale ay la dagaallameen, laakiin Cigaal gurigii ayaa uu ku haray oo in uu dagaal tago waa uu ka baqay.

Maalintaas ka dib, Cigaal waxa uu maqlay in raggii qabiilkiisa ahaa la jebiyey, colkiina ay isaga ku soo socdaan oo ay doonayaan in ay dilaan. Haweentii uu qabey ayuu ka codsaday in ay caws ku duu-duubto oo marka uu colku soo gaarana ay u sheegto in uu dhintay.

Haweeneydiisii sidii ayey yeeshay oo inta ay caws ku duuduubtay ayey dhinac fariisatay oo ay ku barooratay, "Cigaal Shiidaad oo col hortii go'ay."

Cabbaar yar ka dib ayaa colkii soo gaaray reerkii maqleenna baroortii haweeneydii Cigaal.

Colkii fardihii ayey ka soo degeen oo ay u soo dhawaadeen goobtii ay gabadhu fadhidey, dabadeedna waxa ay weydiiyeen waxa ku dhacay. Haweeneydii waxa ay colkii u sheegtay in ninkeedii Cigaal uu dhintay.

Abbaanduulihii colka ayaa gabadhii weydiiyey goorta uu ninkeedii dhintay. Intii ay jawaabtii soo waddey ayaa Cigaal cawskii uu ku duuduubnaa ka soo boodey oo yiri isaga oo qaylinaya, "Shaluu go'ay, naa shaluu go'ay dheh!"

Abaanduulihii colka waxa uu Cigaal u arkay in uu yahay nin maad badan. Dabadeedna colkiisii ayaa uu ku amray in ay faraha ka qaadaan Cigaal oo aanay dilin.

Ka jawaaba su'aalahan.
1. Maxaa ay dadku u yaqaaneen Cigaal in uu yahay?
2. Maxaa Cigaal uu u raaci waayey qoladoodii dagaalka tagtey ee uu guriga ugu haray?
3. Maxaa uu Cigaal ku yiri haweeneydiisii uu qabey?
4. Maxaa ay haweenayda Cigaal ugu barooranaysey markii colku soo gaaray gurigeeda?
5. Haweeneyda markii colku waraystay Cigaal maxaa uu u sheegay in ay colka ugu warranto?
6. Maxaa abbaanduulihii colku u aqoonsaday Cigaal in uu yahay?
7. Maxaa Colkii qabtay Cigaal abbaanduulahoodii uu ku amray?

Qor sheeko.
Ma taqaan sheeko kale ee ku saabsan Cigaal Shiidaad? U sheeg saaxiibbadaa.
Qor sheekada aad u jeceshahay ee ku saabsan Cigaal Shiidaad.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

Isku macne.
Fiiri saddexdan eray:
argaggax, baqdin, cabsi

Waxa ay leeyihiin erayadu macne isku mid ah. Waxa aan ugu yeernaa erayada noocaan ah isku macne.

Guuri erayadan. Ka dib qor erayada isku macnaha ah.

Tusaale:
gabay, oohin, baroor, qaylo --> oohin iyo baroor
b. farax, daal, noog, culus, dhacsaal.
t. wiil, faras, rag, nin, qof.
j. dukaan, buluug, jirro, xanuun.
x. daboolan, qarsoon, furan, khiyaano.

Maahmaahyo.
Koox-koox u shaqeeya oo qeexa maahmaahdan. Wixii idinku adkaada macallinka weydiiya.
* Waxaan daacad ahayni dabaday ka xumaadaan.
* Naf Ilaahay leeyahay nabsi lagama galo.
* Doqoni xan mooyee xil ma ebido.
* Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.
* Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan.
* Qunyar socde qodaxi ma muddo.
* Lama huraan waa cawska jiilaal.

* * *

Erayo cuscusub

abbaanduule befälhavare
amraa befaller, beordrar
aqoonsadaa, -ataa märker, förstår
baroor -ta sorg, gråt
baroortaa, -ataa sörjer, gåter över
cabbaar en stund
cigaal turban
ka codsadaa ber ngn om ngt
col motståndare, fiende
dagaal krig, strid
dagaallamaa strider, krigar
ka soo degaa sitter av från häst
duuduubaa kröker, gör lockig
far -ta finger, tå
fulay -ga fegis
go'aa skär av, går sönder
goob -ta cirkel, yta, plats
goor -ta tidpunkt
hortii före, i förväg, i förtid ???
maad -da humor, skämt
qabaa har, är gift med
qabiil -ka släkt, klan
qayliyaa skriker, ropar
qeexaa förklarar
qolo -da klan, ätt
shiidaa besvärar, är jobbig
waraystaa frågar

Cutubka 13aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.