Somaliska språket • Af-Soomaaliga

UNIVERSITY COURSES
for English speakers

UNIVERSITETSKURSER
för svensktalande
för somalisktalande

PUBLIKATIONER
Lite om somaliskan
Somalisk minigrammatik
Kort somalisk-svensk ordlista
Lexins elektroniska ordbok
Somali-English-Italian Dict.
Dizionario somalo-italiano
Сомалийско-русский словарь
Qaamuuska Af-Soomaaliga

Kurslitteratur • Courses
Introduktionskurs
Beginning Somali
La soco Af Soomaaliga
Litteratur om somaliskan

Digitalised school books
Fasalka 1aad
Fasalka 2aad
Fasalka 3aad
Fasalka 4aad

OromoSidamoAfar

KONTAKT • CONTACT
mail@morgannilsson.se



Fasalka 4aad • Cutubka 13aad

Xayawaanka khatarta ku jira

Xayawaanno badan oo kala jaad ah ayaa ku nool Soomaaliya. Waxa jira xayawaanno dab-joog ah oo ay dadku dhaqdaan sida geela, ariga iyo lo'da. Xayawaannadaas waxa aan ka helnaa caano iyo hilib.

Waxa jira xayawaanno badan oo aynu cidina lahayn. Kuwaasi waxaa loo yaqaan duur-joog. Qaarkood waa ay badan yihiin, qaarkoodna waa ay sii dabar go'ayaan.

Sannado badan ka hor, waxa ku badnaa dalka Soomaaliya xayawaannada waaweyn sida maroodiga, geriga iyo wiyisha oo guud ahaan aan hadda ku badnayn ama aan jirinba.

Waxa ay wax badani ka joogaan jeerta oo laga helo labada webi Jubba iyo Shabeelle. Yaxaasku isna waa uu ku badan yahay meelahaas.

Xayawaannada ay ka mid yihiin garanuugta iyo goodirkuna waa ay badan yihiin. Sagaaradu waxa ay joogtaa meel kasta. Doofaarka iyo daanyeerkuna aad bay ugu badan yihiin dalka Soomaaliya, sababtu waxa ay tahay iyaga dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ma cunaan.

Ka jawaab su'aalahan.
b. Ma sheegi kartaa xayawaanno uu dadku dhaqdo?
t. Ma sheegi kartaa xayawaanno aan dadku lahayn?
j. Maxaa ka mid ah xayawaannada duur-joogta ah ee ku badan Soomaaliya?
x. Maxaa ka mid ah xayawaannada duur-joogta ah ee aan ku badnayn Soomaaliya?

Guuri jadwalkan.
Dabadeed geli magacyada xayawaannada khaanadda ay ku habboon yihiin.

Ku qor erayada far qurxan oo isku dar-darsan.

lax, maroodi, sagaaro, libaax, shabeel, sac, daanyeer, bisad, gorayo, digaag, diin-diin, faras, dameer, yaxaas, ri', waraabe, wiyil, rati, jeer, mas, goodir

* * *

Maxaa ay xayawaannada qaarkood u noqdaan gabaabsi?

Xayawaanku waxa uu u baahan yahay hooy, cunto iyo xannaano joogto ah. Waxa keliya oo ay ku noolaan karaan meelaha ay ka heli karaan waxyaalahaas aan soo sheegnay. Meelahaas ay cuntada iyo hooyga ka helaan waxa aan ku magacownaa aagga ay ku nool yihiin. Markii aagga uu xayawaanku ku nool yahay la burburiyo oo cuntadiisa la waayo, waa uu dhintaa ama waa uu qaxaa.

Haddii ay xayawaanka isku nooca ahi oo dhan ay dhintaan, waxa aan dhihi karnaa xayawaankaasi waa uu dabar go'ay. Fiiri xayawaanka ka muuqda sawirka. Waxaa la dhihi jirey, "kuwaaga". Weligaa ma aragtay xayawaankan? Jawaabtu waa maya, maxaa yeelay waa macduun.

Mararka qaarkood xayawaannadu waxa ay noqdaan kuwo dabar go'a maxaa yeelay xayawaanno badan ayaa la diley oo laga dhigtay cunto. Xayawaannada qaar ayaa loo dabar gooyey si loo helo hargahooda quruxda badan.

U shaqeeya kooxo. Ka jawaab su'aalahan.
1. Magacow labo sababood oo loogu baahan yahay in xayawaanku uu noolaado.
2. Maxaa dhaca markii aysan xayawaannadu heli karin cunto ku filan?
3. Keen saddex sababood oo ay xayawaannadu u dabar go'aan.
4. Maxaa ay xayawaannada qaar iyo dhirtu ugu sii noqonayaan gabaabsi dalka Soomaaliya?
5. Maxaa aynu samayn karnaa oo aan ku joojin karnaa in aysan xayawaannadu noqon kuwo gabaabsi noqda?

Qor sheeko qoraal ah.
Si taxaddar leh u fiiri sawirka "kuwaaga." Ka hadal iyada.

Farbarasho.
Si taxaddar leh u qor hannaanka farbarashada.

Fiiri xayawaannadan.
Maxaa aad ugu malaynaysaa in ay noqonayaan kuwo sii yaraanaya?

Maroodiga iyo wiyisha.

Maroodiga iyo wiyishu waa xayawaanno waaweyn. Waxa ay leeyihiin cadow khatar ah - kaas oo ah dadka. Koox ugaarsato ah ayaa dishey raxan dhan oo maroodi iyo wiyil ah. Waxa ay kala baxeen ilkaha maroodiga iyo geesaha wiyisha oo ay ka iibiyaan ganacsato.

Tirada maroodiga ku nool dalka Keenya ayaa ahayd 65,000 1979kii, halka uu ka noqday 16,000 oo keliya 1989. Wiyishii ku noolayd dalka Yugaandha ayaa gebi ahaan la dabar gooyey.

Fiiri sawirkan.

1. Yaad u malaynaysaa in ninkani yahay?
2. Maxaa uu samaynayaa?
3. Maxaa uu u samaynayaa sidan?
4. Immisa maroodi ayaa lagu dilay dalka Keenya inta u dhexaysa 1979 iyo 1989?

Ka dood.

Ma kula tahay in aan layno duur-joogta?

b. Koox-koox sameeya. Guuriya tusahan oo si wadajir ah u buuxiya.

t. Hadda waxa aad haysataa fikrado badan. La yeelo dood fasalka oo dhan. Ma fiican tahay in la laayo duurjoogta?

Ka qor curis gaaban.

Isticmaal qoraalkan dhismahiisa si uu kuu caawiyo.

Ma wanaagsan tahay in la laayo xayawaannada duur-joogta ah?

Qaar ka mid ah ardayda fasalkayga ayaa aamminsan in ay fiican tahay in la laayo xayawaannada duur-joogta ah. Waxa ay yiraahdeen...

Ardayda qaar kale ayaa aamminsan in ay fiican tahay in aan la layn xayawannada duur-joogta ah. Waxa ay yiraahdeen...

Waxa ay ila tahay...

Sidaa darteed, waxa aan soo jeedinayaa in aanan...

* * *

Erayo cuscusub

aag -ga territorium, revir, område
aamminsan som har förtroende, tror
burburiyaa förstör
cadow -ga fiende
dabar go'aa dör ut
dabargooyaa utrotar
dhaqdaa föder upp
dhir -ta koll. växter
dhismo -da uppbyggnad, struktur
ku filan lämplig, tillräcklig
gabaabsi -ga brist, ont om
ganacsato -da koll. handelsmän
garannuug -ta gasell
gebi ahaan allmänt, generellt, över huvud taget
geri -ga giraff
go'aa skär av
goodir -ka antilop
gumaadaa utrotar, eliminerar
harag -ga skinn
hooy -ga bostad, skyddad plats
ka iibiyaa säljer
kala jaad ah olika
soo jeediyaa föreslår
joogto ah permanent
joojiyaa förbjuder, bromsar, upphör
keliya bara
laayaa dödar
lax -da tacka, fårhona
macduun sällsynt
magacaaban nämnd
muuqdaa syns (ka på en plats)
qaxaa flyr
raxan -ta flock
sagaaro liten dik-dik-antilop
shabeel -ka tiger, leopard
ila tahay jag tycker (om) ???
kula tahay du tycker, anser
tuse -ha tabell
wiyil -ka, koll. wiyil -sha noshörning
xannaano omvårdnad, skötsel

Cutubka 14aad


Sidan är skapad av Morgan Nilsson.